4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Ciidamada militeriga Itoobiya oo kaxeystay Cabdi Maxamuud Cumar

 


Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya kaxeysteen Cabdi Maxamuud Cumar.

Dad ku sugan magaalada Jigjiga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu u dhaceen xarun uu ku sugnaa Cabdi Maxamuud Cumar, iyaga oo halkaa ka kaxeystay lamana garanayo halka ay la aadaan.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxweynaha wixii waqtigaa ka danbeeyay-na waxaa uu ku sugnaa magaalada Jigjiga.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]