9/21/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Hablihii ugu badnaa oo Jaamacadda Nugaal dhameystay



Talaado, August, 07, 2018 (HOL) – 68 arday oo 99 ka mid ahi ay hablo yihiin oo afar kuliyadood dhamaystay Jaamacadda Nugaal ayaa munaasabad weyn loogu qabtay Laascaanood xarunta gobolka Sool.

Munaasibad aad loo soo agaasimey oo lagu qabtay Hoolka Jaamacada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta degmada, bahda waxbarashada, ardayda iyo waaliidiin ayaa waxaa lagu soo bandhigay taariikhdii Jaamacada Nugaal.

Madaxa Jaamacada C/risaaq Lafoole ayaa waxa uu sheegay in difcadan oo ah tii 11aad ay tahay  tii ugu nasiibka wacnayd marka loo eego heerarkii ay soo mareen.

Lafoole waxaa uu ugu bishaareeyey Ardayda in cidii sii wadanaysa waxbarashadadeeda dalka Suudaan ay aqoonsi buuxa ka heleen.

Qaar ka mid ah ardayda dhamaysatay heerka waxbarsho oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyey niyada fiican iyo muhiimada maalintani u leedahay.

"Afar sano ayaan sugayey maanta inaan gaadho Illaahayna waa igu simay, dadaalkeedana waan la imid, wàalidkayna waan uga Mahad celinayaa" sidaa waxaa yiri Mustafe Maxed Cabdi.

Gudoomiyaha degmada Laascaanood C/casiis Xusseen Xassan oo soo gabagabeeyey ayaa waxa uu balan u qaaday wixii ay ka hawlgelin karaan dhalinta in ay hawlgelin doonaan.

Munaasibadan ayaa si aad ah dadka indhohooda waxaa u soo jiitey iyadoo ay ahayd markii u horeysey ee la arko hablo aad uga badan wiilasha goob waxbarasho.

Seynab Cabdi Warsame 
Laascaanood G. Sool






Click here
8/7/2018 3:54 PM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis ee Puntland ayaa lugu dilay caawa magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso , sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta deegaanka.

8/7/2018 12:25 PM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyay wax uu kala socdo xariga madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar isaga oo sheegay in la jir dilay ka hor inta aan la kaxeysan.

8/7/2018 11:45 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL) -Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng: Ciise Axmed Xawaare ayaa sheegay inay xoog ama xal kale ku soo afjari donaan sarkaal ciidanka Militariga Somaliland ka goostay oo maamulka Puntland waydiistay dhul uu ciidamo ku urursado.

8/7/2018 10:13 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

8/7/2018 9:51 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)- Dekadda Berbera ayaa waxa si xawli ah uga socda dhoofka xoolaha nool oo bishii u dambeysay aad looga dhoofinayey dekadda.

8/7/2018 9:44 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay isbedelka ka socda Itoobiya iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

8/7/2018 9:40 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dalka Iraan, Xasan Rouhani ayaa ka horyimid cuna-qabateyn cusub oo u Mareykanka ku soo rogey, wuxuuna sheegay inaysan wada-hadal la gali doonin marna maamulka uu hoggaaminaayo Trump.

8/7/2018 9:36 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey iska horimaad ka dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

8/7/2018 9:26 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Waxaa maanta xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD lagu daah furay mashruuc loogu magac daray Qardul-Xasan. Mashruucaan oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo laga fuliyo soomaaliya ayaa suurta- galinaya in ardyada wax ka baranaysa Jaamacadda SIMAD laga fududeeyo culayska qarash ee waxbarashada heerka Jamacadeed ayagoo bixinaya 30% inta daraasaddu u socoto halka 70% ay ku bixin doonaan 3 sano kadib qalinjabintooda.

8/7/2018 8:36 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya kaxeysteen Cabdi Maxamuud Cumar.

8/7/2018 8:30 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad qaas ah u dirtay boqollaal ruux oo dalka u dhashay oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo ee dalka Itoobiya.

8/7/2018 7:09 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wali siyaasadii iyo nidaamkii dowlad deegaanku ku dhisnaa wax ba iska badalin, hasse ahaatee uu meesha ka baxay oo kaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

8/7/2018 4:54 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cali.

8/7/2018 2:53 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen meel aan ka fogeyn hoygiisa askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

8/7/2018 1:11 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hergalisay meel aan ka fogeyn Ex Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho kaasoo si casri ah loo dhisay sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac.

8/7/2018 12:55 AM EST
Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Maalintii shalay waxaa xilkii madaxwey-naha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana xilkaa si KMG u soo qabtay Axmed Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Wasiirka maaliyada.