Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Magaaladda Hargeysa
waxa ku soo badanaya gaadiidka laga xaddo, kuwaas oo la sheegay in Fureyaal
gaadhi kasta furaya loo samaystay.
Tuugtan xadaysa baabuurta ayaa u badan
dhalinyaro, kuwaas oo marka hawlahoodda ka dhamaystaan ama shiidaalku ka
dhamaado meelo cidlo ah kaga tagaya, qaarkoodna loogu imanayo iyadoo aan waxba
lagala bixin.
Dhacdadan baabuurta laga xadayo oo ka yaabisay
dadweynaha ayaa tii u dambaysay waxay dhacday bishii dhamaatay ee July
31-keedii, waxaanay xadeen gaadhi nooca looyaqaan Seeraf.
Afar cisho ka dib ayaa gaadhigan laga heley
duleedka galbeed ee Hargeysa, isagoo yaala meel doox ah oo biyo mareen ah,
waxaana isla habeenkaasi helay Roob weyn kaasi oo baabuurkiii waxyeelo weyn u
gaystay oo gabi ahaanba baabuurkii furfurey.
“Waxaase farxad weyn inoo ah in aynu gacanta ku
hayno eedaysanayaashii cadaymo wanaagsanna aynu u hayno fal dambiyeedkan caqli
xumaanta ah ugubkana innagu ah in dhawaydna hadalhayntiisu innagu soo
badanaysay.”ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hargeysa Khadar Baaruud oo
baabuurkan la xaday ka hadlaya.
“Dhamaan intii ka qayb qaadatay hawshan waa ay
mahahsanyihiin gaar ahaan shacabkii sida hagar la'aanta ahaa u gacansiiyey
dawladda, si gaarana waxaan ugu mahadnaqayaa walaalkay mustafe Maxamed Khayre
oo kiiskana dhibane ka ahaa dawlad ahaanna si weyn qayb uga ahaa baadi goobka
kamanuu niyad jabin halmar tan iyo maalintii laga xadayna saacad kasta wuu sara
taagnaa.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Baabuurkan la helay ayaa loo hayaa dhawr iyo
toban qof, kuwaas oo la baadhayo, waxaana la sheegay in baabuurkan lagaga
shaqaynayey aroos ka dhacay tuulada Xagal ee duleedka Magaalada Hargeysa ka
dib markii ay arooska ku dhamaysteena dooxa badhtankeeda kaga tageen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland