4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Sacuudiga oo 24 saac u qabtay safiirka Canada ka jooga dalka

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa muddo 24 saac ah u qabatey danjiraha Canada Dennis Horak si uu dalka uga baxo, taas badalkeeda boqortooyada Sacuudiga waxay u yeertay safiirka ka jooga Canada.

Sacuudiga waxaa kalo uu shaaciyay in u hakiyay dhammaan ganacsigii iyo maalgalintii cusbayd ee kala dhaxaysay Canada oo lagu qiimeeyay balaayiin doolar, arrintan ayaa timid kaddib markii ay Canada sheegtay "in ay aad uga walaacsan tahay" xiritaanka loo gaystay dad xuquuqda aadanaha u dooda.

"Mowqifka Canada waa weerar lagu qaaday Sacuudi Carabiya oo u baahan in si adag looga hadlo. Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxay muujinaysaa diidmadeeda iyo diidmada jagada dowladda Canada." ayaa lugu yiri war-saxaafadeedka ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Illaa hadda dowladda Canada kama aysan hadlin tallaabada dublamaasiyadeed ee uu Sacuudigu qaaday, laakin xiriirka labada dal ayaa heerkii ugu xumaa gaaray ,kaddib markii dowladda Canada ay si kulul uga hadashay xariga dad u dhaq dhaqaaqa bulshada rayidka oo dhowaan dowladda Sacuudiga xabsiga u taxaabtay, waxaa ka mid ah dadka la xirey Samar Badawi oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo Sacuudiga u dhalatay haysatana dhalashada Maraykanka.Samar ayaa ku baaqaysay in la so af-jaro habka Sacuudiga looga dhaqmo ee muxramka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online