4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Indonesia: 91 ruux oo ku dhintey dhul-gariir aad u xooggan

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – 91 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhul gariir xooggan oo ku dhufatay jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia, sida laga soo xigtay saraakiisha gargaarka degdegga ah.

Saraakiisha maareynta musiibooyinka ayaa dhankooda sheegay dhul-gariir inay ku dhaawacmeen dad ka badan 200 oo ruux, baaxadda dhul gariirka ayaa gaaray 7, waxa ayna wax yeello soo gaaraty kumanaan dhismo iyo korontada oo gabi ahaanba go'day.

Madaxa hey’adda masiibooyinka deegaanka uu dhul-gariirka ka dhacay , Muhammad Rum ayaa sheegay inta badan geerida ay sababtay bur burka guryaha iyo dillaaca dhulka.Bukaanadii ku sugnaa cisbitaalada ayaa laga saaray, waxaana dhaqaatiirta ay ku daweeynayeen waddooyinka.

Markii uu dhacayay dhul gariirka waxaa jasiiradda Lombok ku suganaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Singapore, kaas oo ka qeyb galayay shir arrimaha amaanka looga hadlayay, waxa uuna barta Facebook qoraal uu ku qoray ku qeexay sida hoteelkii uu daganaa uu u ruxmay. Waxa uu yiri "Aad bay u adakayd in la sii taagnaado".

Dowladda Indonesia ayaa horay uga digtay dhul-gariirka,waxayna shacabkeeda ka dalbaday iney aadaan goobaha dhul taagga ah inta ay masiibada socoto xaaladdana caadi ku soo noqoneyso, kaddib markii toddobaad ka hor uu dhul gariir ku dhuftay isla jasiiradan, kaas oo ugu yaraan galaaftay nolosha 16 qof.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online