4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Boqor Burhaan " Soomaalida Itoobiya waxaa laga doonnayo midnimo .. si ay dhibaatada uga gudbaan"

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Boqor Burhaan Boqor Muuse, oo magaalada Qardho kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay rabshadaha ka soo cusboonnaday xarunta dowlad deegaanka Soomaalida  ee  Jigjiga, kaddib markii dhawaan ay gudaha u galeen militeriga federaalka Itoobiya.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamey dhibaatada wayn ee ka dhacday dhulka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiy, isagoo inta ku daray in aan la aqbali karin waqtigaan in ciidamo la geeyo Jigjiga, waxaa kalo uu farrin u direy dowladda Itoobiya oo uu ka dalbadey in ay hirgeliyaan ballan qaadkii ahaa in Geeska Afrika laga hirgeliyo nabad waarta.

Boqor Burhaan, ayaa sidoo kale sheegay in ay aad uga xunyihiin dullaanka aan loo meeldayin ee lagu qaaday Soomaalida-Itoobiya. Boqorka ayaa u soo jeediyaay dadka Soomaaliyeed inay isha ku hayaan deegaanadooda, isla markaana ay isku dubnaadan, isagoo tibaaxay in shidaalka ku jira dhulkaas Soomaalida ay leedahay saami aad u yar taas oo an xilligan macquul ahayn.

Hubaanti la’aanta ayaa wali ka taagan magaalada Jigjiga, tan iyo markii Sabtidii ay rabshado ka bilowdeen,waxaa la sheegay rabshadaha inay ku geeryoodeen tiro dad ah.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online