Isniin, August, 06,
2018 (HOL) – Hey’adda Cunnada adduunka ee WFP ayaa oggolaatay in ay
iibsato Galeyda beeraha Soomaaliya, kaddib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay
nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya
u oggolaatay in ay ku biirto waddamada WFP Galeyda ay ka iibsato.
Munaasabad Axadii lugu qabtay
Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho oo looga hadlayay iskaashiga
dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa lugu shaaciyay hay'adda Cunnada
adduunka inay ka iibsan doonto beeraleyda Soomaaliya Galeyda.
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka
Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa sheegay in
heshiiska WFP ay ku oggolaatay in Soomaaliya ka iibsato Galeyda uu horseedayo
in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri
ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo
Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda
ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.
WFP ayaa horey u keeni jirtay
Soomaaliya Galey laga keennay dibadda oo la geyn jirey deegaannada ay abaaruhu
ka dhacaan, waxaana qorshaha ay hey'adda ku oggaalatay in ay iibsato Galeyda soo
dhaweeyay beeraleyda oo ku dhiirranaya inay kor u qaadan biirista miraha
Galeyda oo markii hore qiimo badan aan ku fadhin.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online