4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Qaxooti Itoobiyaan ah oo ka soo baxsaday Jig-jiga oo Tog-wajaale soo gaadhay


Isniin, August,  06, 2018 (HOL)–Boqolaal Itoobiyaan ah oo ka soo qaxay Jig-jiga ayaa soo gaadhay magaalo xuduuddeedka Tog-wajaale gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Itoobiyaankan ayaa u badan qoomiyada Oromadda, gaar ahaan waa dadkii ka ganacsanayey Jig-jiga ee hantidoodii la boobay, kuwaas oo amaan soo biday Wajaale maadaama oo aanay u gudbin Karin dhulkoodii.

Sidoo kale, waxa iyaguna cabsi badan qaba soomaalida degan Jig-jiga oo ka baqaya in dushoodda la isku qabsado oo ciidamada Liyuu booliska iyo kuwo Fadaraalka Itoobiya magaalada isku dul qabsadaan, waxaana jiray Soomaali badan oo iyaguna ka soo qaxay Jig-jiga oo soo gaadhay Wajaale.

Qaxootigan Wajaale soo galay ayaa haysan cunto iyo wax ay ku noolaadaan, kuwaas oo dawladda Somaliland ka dalbaday in wax loo keeno, waxa iyaguan hore usii joogay Wajaale ganacsataddii Wajaale wax ka iibsan jirey ee noqonayey oo meel ay maraan waayey, kuwaas oo labadii cishe u dambeeyey ku sugnaa Wajaale.

Dadkii joogay Wajaale iyo kuwii joogay Jig-jiga ma haystaan meel ay u maraan dhulkoodii, waxaanay ka baqayaan in dhexda gaadiidka lagala tago.

Dhinaca kale, ciidanka Amniga ee gobolka Togdheer ayaa soo qabtay Gaadhi Bas ah oo nooca waaweyn ah kuwaas oo xadka lagala soo talaabay iyagoo ay saaran yihiin Rakaabkii, waxaana hadda gacanta ku haya ciidanka Amniga oo baadhaya, waxaana loo malaynayaa in lagala soo baxsaday Jidka u dhexeeya jigjiga iyo Addis waana baabuurtii iskaga kala gooshi jirtay Itoobiya dhexdeedda.

Magaalada Jig-jiga ayaa bililiqo badani ka dhacday, waxaana la dhacay meheradihii dadka aan Soomaaliga ahayn, kuwaas dadkii lahaana qaarkood la laayey, waxaana Hargeysa maydkeedii shalay lagu aasay haweenay Itoobinaadan balse caruur soomaali ah dhashay oo meherad ku haysatay Jig-jiga oo dadkii ku geeriyooday k amid ahayd, taas oo la waayey meel lagu aasay oo Hargeysa loo keenay in lagu duugo, maadaama oo qaar kamid ah eheladoodu Hargeysa ku sugan yihiin.

Dhinaca kale, Jaadkii ayaan shalay galinkii hore iman, waxaanay gaadiidkii Jaadku ka soo wareegeen Degmadda Xariirad ee gobolka Awdal, waxaanay yimaadeen Hargeysa galinkii dambe.

Jaadkii ayaa soo mari kari waayey jidkii uu hore usoo mari jirey ee jig-jiga iyo Wajaale, waxaanu ka soo wareegay waddo raf ah oo aad u dhib badan taas oo ku keentay inuu masaafo fog soo wareego oo uu soo maray Xariirad.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.