4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Xaalada deegaannada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo degan

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalooyinka Jigjiga iyo Diri-Dhabe ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay ka jirto xaalad degenaasho, kaddib rabashadoo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay.

Magaalada Dirir-Dhabe oo shalay ay isku fara-saareen dad ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomalida iyo Oromada ayaa degan, kaddib markii ay arinka soo fara-galiyeen ciidamada federaalka Itoobiya oo kala diray dadkii rabashadaha halkaa ka dhigay ee isku dhac-yada ku lugta lahaa, waxaana wararku sheegayaan in xaalada magaaladu caadi ku noqotay.

Sidoo kale waxaa iya-na degan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maalin ka hor ay gudaha u galeen ciidamada federaalka Itoobiya oo laakiin markii danbe isaga baxay kaddib rabshado xoog leh oo ka dhacay magaalada.

Ugu yaraan 26 ruux ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen sku dhacyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, wali-na waxaa muuqata in uusan jirin xal kama danbeys ah oo laga gaaray xiisadaha jira iyo kala aragti-duwanaashaha siyaasadeed ee maamulka dowlad deegaanka Somaalida iyo dowladda dhexe ee Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]