4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Kheyre oo ka qeybgalay munaasabad ay heshiis ku kala saxiixanayeen dowladda K Suudaan iyo Mucaaradka

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan uga qayb galay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska dawladda midnimada qaran ee lagu soo af-jaray colaaddii waqtiga dheer u dhexeysay dhinacyada isku hayay siyaasadda Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxda kale ee ka socota waddamada IGAD ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiska taariikhiga ah ee dhinac-yada isku hayay siyaasadda dalka Koonfurta Suudaan kuwaas oo dhex-dhexaadin waqti dheer qaadatay kadib isku raacay in ay dhistaan dawlad midnimo Qaran oo dhinacyada dhan ay ku qanacsanyihiin.

Kheyre oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay dhina-cyada heshiiska saxiixay tanaasulka iyo biseylka siyaasadeed oo ay muujiyeen si ay u badbaadiyaan mawaadiniinta dalkooda, ugana qayb qaataan horumaka gobalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika, waxa uuna u xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’antahay nabadda, amniga iyo xasilooni siyaasadeed ee Suudaanta Koonfureed.

“Xaaladda murugeysan ee dalkiinna da’da yar ma qeexayso mustaqbalkiinna, waxaa aan idiin xaqiininayaa in laga guuleysanayo dhibaatada jirta. Waxyaabaha wanaagsan ee labaddenna dal ay wadaagaan ayaa ah in aan leennahay khayraad dabiici ah oo dahan iyo bulsho ku wanaagsan hal abuurka ganacsi”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

“Sida ku cad war-bixintii dawladaha daciifka ah ee soo baxday 2017, Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa ahaa laba dawladood ee ugu daciifsan dunida, casharro adag ayaan ka barannay iyo in ay muhiim tahay in aan u tanaasulno dadkeenna, tanaasulku ma aha astaan muujineya in aan liidanno ee waxa ay muujineyssa awoodenna iyo fahamka mustaqbalka” ayuu Ra’iisul wasaaruhu raaciyay hadalkiisa.

“In aan garannay xalka mushaakilaadkeenna kaliya ma saameyneyso horumarkeenna ee waxaa ay saameyn ku leedahay deriskeenna iyo gobalka oo dhan, waana arintaas sababta aan idinkugu dhiirri gelinayno in aadan gadaal fiiri-na ee aad sawirataan mustaqbalka adinka oo u danaynaya dadkiinna. Sida dib u soo kabashada Soomaaliya oo kale, badbaadinta Suudaanta Koonfureed waxa ay farxad gelineysaa dadaalka qaaradda Afrika, waxa aan idiin xaqiijinayaa in Soomaaliya ay ka go’antahay in Suudaanta Koonfureed ay hesho nabad, ammaan iyo xasilooni waarta”, ayuu ra’iisul wasaare Khayre ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixayay heshiiska xalka looga gaaray colaadii Suudaanta Koonfureed.

Heshiiska oo dhaqan-gelintiisa ay dusha kala soconeyso IGAD ayaa ogolaanaya in Riek Machar oo ahaa hogaamiyaha mucaaradka uu noqdo madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dawladda midnimada Qaran.

Mudda sedax bilood ah ayaa loo qorsheeyay in dhinacyada saxiixay heshiiska ay kusoo dhistaan dawladda wadaagga ah oo talada dalka hayn doonta muddada sedaxda sano ah ee soo socota

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]