4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2018
Wasaaradda arrimaha dibedda oo beenisay eedeyn loo jeediyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda

 

Isniin, August, 06, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay wax-ba kama jiraan ku tilmaamtay eedeyntii hanti-dhowrka guud iyo xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka dhan ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Hoose ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda :

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay beeninaysaa dhammaan eedeymaha xaqiiqda ka fog ee lagu asteeyay waxa loogu yeeray “Musuq maasuq” ee warbaahinta ay mariyeen Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxayna caddeyn u tahay habka ay uga tallaabeen hannaanka hey’adaha dowladda ay ku wada shaqeeyaan oo ah dukuminti is dhaafsi, taasi badalkeeeda ay ku dhiiradeen inay meel uga dhacaan maamuuska iyo xurmadda Wasaaradda, sidoo kale ay sumcad dilaan Mas’uul dowladeed oo xilkii loo igmaday gudanaya, lana hayn caddeymo sugan oo ah sheegashadooda.

Ciidan boolis ah oo loo tababaray la dagaalan argagaxiso ayaa xoog ku jiiray Dhismaha Wasaaradda August 04, taasina waxay Wasaaraddu u aragtaa fal lagu burburinayay kalsoonida wada shaqeyn ee hore loo abuuray, laguna dhaawacayay heybadeeda.

Wasaaraddu waxay cambaareyneysaa falkaasi ciidanka ee sharci darada ah ee loogu xadgudbay sharafteeda iyo shirka jaraa’id ee Hantidhowrka guud ee Qaranka iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ay ka jeediyeen hadallo been abuur ah oo aan asaas lahayn oo meel ka dhac ku ah sumcadda Wasiir kuxigeenka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]