4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa fiidnimadii caawa lagu weeraray goob maxaaqi oo ku taalla Waddada aadka u mashquulka badan Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaar ahaan maxaaqidan la weeraray ayaa ah goob laga cunteeyo oo ku dhaw Shaleemo Soomaaliya oo xiliyada habeenkii ay dadku isugu yimaadaan, waxaana la sheegay in gaari goobta la soo dhigay uu ku qarxay maqaaxida.

Wali ma kala cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaran oo siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana la arkayay gadiidka gurmadka deg deg ah oo dhowr jeer goobta tagay dad-na ka qaadaya.

Ciidamada amaanka oo xiliyada habeenkii foojignaan dheeraad ah ku jira gaadiid-na ku baara waddadan ayaa markii uu qaraxa dhacay kaddib bilaabay in ay rasaas ridaan, waxaana markiiba is istaagay isku socodkii dadka iyo gadiidka waddada.

Qaraxan caawa dhacay ayaa yimid kaddib markii maanta ciidamada Amaanku ku toogteen magaalada Muqdisho labo ruux oo hubeysnaa kuwaa oo dowladdu sheegtay in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab, kana danbeeyeen dil magaalada Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ah.

Sidoo kale, isla maanta waxaa uu qarax xoogan oo ismiidaami ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxaa ku nafwaayay dad shacab iyo askar isugu jiray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]