4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Dowladda oo sheegtay in la dilay raggii ka danbeeyay dilkii ganacsade dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Muqdisho

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay toogteen  rag hubeysan oo Baabuurta ka dhex toogtan jiray dadka aan waxba galabsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hayaan cadeymo muujinaya in raggan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidamada ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan gaari ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo hubkii ay dadka ku dilayeen.

Wasiirka ayaa ugu danbeytii ka hadlay dil ay gudaha masjid ku yaala Muqdisho ugu geysteen askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid laga argagaxo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]