Axad, August, 05, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee
gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Afar ruux ku geeriyoodeen tiro kale
oo ka badan 10 ruux-na ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo halkaa ka dhacay.
Dadka weerarkan ismiidaamin ah ku dhintay ayaa la sheegay in ay isugu jireen
dad shacab iyo ciidamo ka tirsan dowladda, kaddib markii gaari Hoomey ah oo
laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu weeraray goob canshuuraha lagu qaado.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee degmada Afgooye ayaa sheegay in khasaaraha
ka dhashay weerarkan uu intaa ka badan karo.
Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa horay saddex jeer siddaan oo kale lagu
qaaday Weeraro toos ah iyo Qaraxyo ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.
Dhinaca kale wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe
ayaa sheegaya in shan askari ku dhaawacmeen qarax lala eegtay Abaanduulaha
guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka Cali Cariif.
Qaraxan ayaa ka dhacay gudaha Ex Warshadii hore ee Dharkan ilaa iyo haddana
war ah kama soo bixin dhinaca maamulka gobolka Shabeellaha dhexe.
Subxnimadii hore ee saakay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda ay toogasho
ku dileen gudaha magaalada Muqdisho rag hubeysnaa oo la socday gaari yar kaddib
markii ay ciidamadu ka shakiyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]