4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo magacaabay tiro Wasiirro ah isaga oo buuxiyay boosaskii bannaanaa

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre goor dhaw magacaabay tiro wasiiro ah isaga oo buuxiyay boosaskii horay uga bannaanaa xukuumadda.

Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Goodax Barre oo badallaya Wasiirkii hore Cabdiraxmaan Daaahir Cismaan oo todobaad ka hor xilka laga qaaday.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni, halka Wasiirkii xilkaasi hayay Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

C/llaahi Bidhaan Warsame Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka, iyadoo xilkaas laga qaaday C/raxmaan Cabdi Xaashi

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Cabduqaadir Sheekh Baqdaadi, waxaana xilkaa laga qaaday oo horay u hayay Khilaaf Cabduqaadir Macalin Nuur.

Magacaabistan ayaa imaneysa xili dhawaan ay xilalka xukuumadda banneeyeen tiro dhowr ah oo Wasiiro ah oo ugu danbeeyay Wasiirkii Waxbarashada uu xil ka qaadis ku sameeyay ra’iisal wasaaraha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]