4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Ciidamada dowladda oo Muqdisho ku toogtay rag hubeysan oo gaari saarnaa

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL)- Wararka xiligan Hiiraan Online ka soo gaaraya Isgoyska degmada Hodan ee xaafadda Seybiyaanno ayaa sheegaya in ciidamada nabad-galyada dowladda Soomaaliya toogasho ku dileen rag hubeysan oo la socday gaar yar oo ku raaxda ah.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay in gaari ay wateen ciidamada dowladda oo noociisu ahaa Cabdi Bille muddo uu eryanayay gaarigan ay saarnaayeen saddexnan oo hubeysaa, hasse ahaatee markii danbe waxaa bilaabatay is rasaaseyn dhaxmartay labada dhinac, ugu danbeyntiina ciidamadu waxaa ay toogasho ku dileen Labo ka mid ah raggii gaariga la socday halka mid kalana uu baxsaday.

Dhinaca ciidamada waxaa la sheegay in is rasaaseynta uu uga dhaawacmay halka askari oo ka mid ah ciidamadii la socda gaariga Cabdi Billaha.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada dowladda, lamana garanayo ilaa iyo hadda waxa ay ahaayeen raggan toogashada lagu dilay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]