Axad, August, 05, 2018 (HOL)-Wararkii ugu
danbeeyay ee xiligan naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in saakay
jidadka magaalada soo dhoobteen ciidamo Booliis ah, gaar ahaa kuwa rabshadaha
ka hortaga.
Ciidamada oo raxan raxan u socda ayaa
gaaf-wareegaya guud ahaanba magaalada, waxaana la sheegay in intooda badan
ciidamada-ni yihiin Soomaali.
Shalay waxaa magaalada ka dhacay rabshado xoogan
oo ay dhigayeen dad-weyne isku soo baxay oo diidanaa awooda militari ee loo
isticmaalay magaalada, taasoo keentay in markii danbe ciidamadi soo galay dib
uga gurtaan.
Militariga oo dhinacooda hadlay-na waxaa ay
sheegeen in sababta ay gudaha ugu galeen Jigjiga tahay in ay xaqiijiyaan
nabad-galyada, wali-na ku taagan yihiin ka hortaga rabshado iyo amaan darro ka
dhacda deegaanka.
Rabshadahii shalay dhacay ayaa lagu bililiqaystay tukaamo iyo bangiyo,
waxaana dab la qabadsiiyay kaniisado iyo weerar lagu qaaday dadka aan Soomalida
ahayn ee halkaasi ku noolaa, halka 10 qof ay ku dhinteen qalalaasahaasi.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]