4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 5 , 2018
Goob uu ka khudbeynayay Madaxweyne Maduro oo La Weeraray

 

Axad, August, 05, 2018 (HOL) – Dayaarad nooca drones-ka loo yaqaan ee aan duuliyaha la socon, ayaa weeraray goob uu ka jeedinayay qudbad TV-ga si toos ah looga sii daynayay madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, gudaha magaalada Caracas Sabtidii, waxana la sheegaya in aysan wax dhaawac ah madaxweynuhu soo gaarin.

Muuqaallo TV-yada laga sii daayay ayaa muujinaya Maduro iyo dad kale oo agtaagnaa oo argagax galay, kadib markii la maqlay qaraxyo. Wax yar kadibna, waxa la arkayay askarta oo ka kala ordeysa safafkii ay ku jireen si ay u helaan meel ay ku gabadaan.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in illaa iyo 7 askari ay goobta ku dhaawacmeen.wasiirka warfaafinta dalkaasi ayaa sheegey goor dambe in Maduro uu bad-qabo islamarkasina uu guddoomiyay shirka golaha wasiirada; halka dadkii dhaawacmeyna la daweynayo.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi, waxaase Vanezuala ay waayadanba dhexda uga jirtay xiisado siyasadeed iyo mid dhaqaale.

VOA