Sabti, August, 04, 2018 (HOL) –Madaxweynaha
dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban
siiyay warbaahinta ayaan ugu baaqay in shacab-ku is dajiyaan.
Waxaa uu sidoo kale ka taciyeeyay
dadkii ku dhintay rabashadii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga oo warar soo
baxaya sheegayaan in ugu yaraan Labo ruux ay ku dhinteen, halka tiro kale uu
badan oo shacab ah-na ay ku dhaawacmeen iska horimaadyadii dhacay.
Hadalka madaxweyne Cabdi Maxamuud
Cumar oo ahaa mid aad ku koob-naa. Faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin
sida ay wax u dhaceen iyo sababta keentay in maanta ciidamada dowladda federaalka
Itoobiya gudaha u galaan magaalada Jigjiga.
Dhinaca kale wararkii ugu danbeeyay ee naga soo
gaaraya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in goor dhaw oo maanta halkaa tageen wefdi
ka socda Fedaraalka ay tageen magaalada.
Wefdiga ayaa sida la sheegay waxaa ay la kulmeen
madax ka tirsan dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya, laakiin faah faahin
dheeraad ah lagama hayo waxa ay ka wada hadleen.
Xaalada magaalada ayaa caawa degan waxaana dib u
soo laabtay korontadii iyo biyihii magaalada oo go’ay maanta markii ay
rabashaduhu bilaaawdeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]