4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Meheradihiii iyo guryihii Oromadda oo la boobay iyo jahawareer ka taagan Jig-jiga

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Ciidamadii fadaraalka ee saaka soo galay magaaladda Jig-jiga ayaa wararku sheegayaan inay magaaladda ka baxeen ka dib markii shacab-kii iyo ciidamada liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen, kuwaas oo xoog kaga saaray ciidamada.

Ciidamada fadaraalka ayaa saaka  la wareegay dhamaan xafiisyada dawladda iyo wadooyinka, haseyeeshee waxa baraha bulshada kala hadlay mas'uuliyiinta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Baarlamaanka deegaanka iyo xubno ka mid ah wasiirada, kuwaas oo shacabka ka dalbaday inay sharaftoodda ilaashaadaan oo dhulkoodda difaacaan.

Shacabka magaalada jig-jiga ayaa ku qamaamay meheradihii iyo guryihii dadka aan soomaalida ahayn lahaayeen, gaar ahaan qoomiyadda Oromadda, waxaaanay boobeen hantidii taallay,iyadoo dadkii lahaana ka dhigay qaar firxaday iyo kuwo dhuumaalaysi ku jira magaaladda dhexdeedda.

Sidoo kale, waxa la gubay kiinasad weyn oo ku taallay Jig-jiga, kuwaas oo ololkeedii iyo qiiqeeda daafaha magaalada laga arkayey.

Soomaalidda deegaanka ayaa ku dhawaaqayey oromo dooni mayno iyo Abiy Ahmed ha dhaco, waxaana wadooyinka kolba dhinac u soc socday gaadiidka shacabka oo dadku saaran yihiin iyo ciidamada liyuu booliska.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Liyuu booska oo khadka telefoonka aan kula xidhiidhay ayaaa ii sheegay in ciidankii fadaraal ka saareen.

“waanu iska celinay waana ka saarnay magaaladda ciidankii nagu soo duuley ”ayuu yidhi sarkaal magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan ciidanka Liyuu booliska wakhti uu aad u mashquulsanaa  waxaanu ku jiray jawi dagaal oo buuq iyo sawaxan badan ayaan maqlayey intii aan telefoonka kula hadlayey, waxaanu dhibsanayey inaan la sii hadlo maadaama oo uu hawlgal ku jiro.

Madaxweynihii deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaan ilaa hada la ogeyn halka uu ku sugan yahay, inkastoo wararka qaar sheegayaan inuu ku jiro xeero ay leeyihiin ciidanka liyuu booliska.

Ciidamada Liyuu booliska ayaa la sheegay inay qaarkood usii jeedaan xadka ay wadaagaan Oromadda, kuwaas oo ay doonayaan inay furin ka furtaan xuduudda soomaalida iyo Oromada u dhexeysa oo aanay xadka usoo dhaafin ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay oo sheegtay inay xadka adkaynayso,isla markaana shacabka ugu baaqday in la ilaaliyo wixii xadka jooga ee Itoobiyaan ah iyo kuwo dalka gudihiisa joogaba.

“waa in la ilaaliyo dadka reer Itoobiya ah ee xadka iyo gudahaba ku nool, waana la adkaynaya wixii xadka soo galaya iyo wixii ka baxayaba, waayo anaga iyo Itoobiya wuu na saameeya wixii ka dhacaya, xag dhaqale iyo nabadgalyaba waanu isku xidhanahay dhinac walba wixii ka dhaca dhanka kale ayuu saamaynayaa”ayuu yidhi wasiirku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye.

Wasiirka mar la waydiiyey inay jiraan masuuliyiin kililka shanaad ka soo cararay inay Somaliland soo galeen iyo in kale waxa uu sheegay in aanu ogeyn wax dalka soo galay,isla markaana aanay jirin wax masuul oo usoo talaabay dhinaca Somaliland.

Dhinaca kale, magaalo xuduudeeda Wajaale waxa ku xaniban Itoobiyaan badan oo ka baqaya in jidka lagu waxyeelayo, kuwaas oo amni biday inay Wajaale iska joogaan, waxaanay dadkaasi u badan yihiin ganacstada ku xidhan magaalada Wajaale ee dhinaca Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.