4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Maxey salka ku heysaa xiisada Jigjiga oo ay la wareegeen ciidamada federaalka Itoobiya

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ka danbeysa tallaabada ay qaadeen ciidamada federaalka Itoobiya oo subaxnimadii hore ee saakay si buuxda ula wareegay guud ahaanba xarumihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Wargeys ka soo baxay Addis Ababa oo lagu magacaabo Standard ayaa qoray in uu jiray khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay maamulka madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo madaxda xukuumadda dhexe ee federaalka Itoobiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ka hor inta aysan ciidamada gudaha u galin magaalada Jigjiga uu jiray qaban-qaabada kulan aan caadi aheyn oo uu yeelan lahaa baarlamaanka Itoobiya.

Xildhibaannada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya qaarkood oo si toos ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in ay soo weerareen ciidamo Oromo ah oo sida ay hadalka u dhigeen uu soo diray ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana ay bulshada ugu baaqeen in ay is difaacaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa ayaaha dhulka Soomaalida Ethiopia oo Baraha bulshada ka soo muuqday ayaa talaabada ciidamadda ay kula wareegeen Jigjiga ku tilmaamay “Afgambi”

Magaalada waxaa ka jirta xaalad kacsanaan ah oo dadka ayaa dariiqyada isugu soo baxay iyada oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah dowladda dhexe ee Itoobiya, waxaana la arkayay dadka qaar oo dab qabadsiinaya calanka Itoobiya.

Tan iyo wixii ka danbeeyay isbadalkii ka hana-qaaday Itoobiya dad badan waxaa ay saadaalinayeen in isbadalka uu saameyn ku yeelan doono ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo siyaasad ahaan siweyn ugu dhawaa xisbigii hore ee tallada dalka lagala wareegay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]