4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay xaalada Jigjiga iyo Kaniisad dab la qabadsiiyay

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii ay saacadihii hore ee maanta halkaa la wareegeen ciidamo ka tirsan federalka Itoobiya.

Dad careysan ayaa isugu soo baxay jidadka magaalada kuwaa oo qaarkood gubaya calanka Itoobiya, dhinaca kalana ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Sidoo kale wararka naga soo gaaraya Jigjiga ayaa sheegaya in ay dab qabadsiiyeen Kiiniisadii ugu weyn-neyd magaalada dad ka careysnaa soo galitaanka ciidamada Itoobiya.

Ciidamada galay Jigjiga ayaa dhamaanba qabsaday xarumihii maamulka oo ay ku jirto tan madaxtooyada, ilaa iyo hadda-na wax war ah lagama hayo halka ay ku danbeeyeen mas’uuliyiintii maamulka Soomaalida Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]