4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Ciidamada federaalka Itoobiya oo la wareegay inta badan magaalada Jigjiga

 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraaya magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan federaalka Itoobiya oo inta badan la wareegay xarumihii ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada oo ku hubeysan gadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarumaha muhiimka sida xarunta Baarlamaanka iyo Xarunta Telefishinka ESTV.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada halkaa tagay ay la wareegeen guud ahaanba awooda maamul ee deegaanka, sidoo kale waxaa ay ciidamadan la wareegeen xarunta madaxtooyada looga arimiyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Magaalada ayaa lagu waramayaa in ay hadda ka bilaawdeen dibedbaxyo looga soo horjeedo ciidamada la wareegay magaalada ee ka socda dowladda federaalka Itoobiya.

Xaalada ayaa kacsan lama oga sida saacadaha soo socda wax isku badali doonaan.

Wixii ka soo kordha kula soco wararkeena danbe..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]