3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Ra'iisal wasaare Khayre " Puntland waa rajada dowladnimada Soomaaliyeed"


Sabti, August, 04, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 20-sano guurrada dowlad-gobolleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

"Anniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha, magaceyga, magaca xukuummadda, dhamaan magaca dawladda federaalka iyo magaca ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa halkaan fadhiya, Soomaaliyeed waxa aan idin leeyahay hambalyo 20-sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Puntland." ayuu yiri Ra’iisul wasaar Khayre oo inta ku daray "Puntland waxa aan kula kulmay maskax caafimaad qabta, maskax wayn oo hiigsi leh, bisayl dawladnimo oo ku dayasho mudan, dad Soomaaliyeed oo fahmay in dalka la wada leeyahay gartayna in la wada dhisto, reja cusub oo ah jaceylka ay dawladnimada u qabaan shacabka reer Puntland."

Ra’iisu wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in uu Puntland ku arkay hey'addo dawladeed oo dhismay 20-kii sano ee lasoo dhaafay, xasilooni amni iyo mid siyaasadeed iyo in madaxweyne walba oo loo doortay in uu hoggaamiyo Puntland uu xilligiisii ku dhamaystay si nabad ah taas oo ay ka muuqato bisayl dawladnimo oo ay tahay Soomaalida inteeda kale in ay ka barato.

Gabagabadii, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbadiisa ku ammaanay dawrka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin jiritaanka iyo horumarka Puntland waxa uuna kula dardaarmay in Soomaaliya inteeda kale baraan dhaqankaas wanaagsan, wuxuuna u ballanqaaday Puntland in dawladda federaalka Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ay kula jirto kooxaha naba-diidka ah ee Daacish iyo Shabaab si amaanka iyo xasiloonida loo sii adkeeyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online












Click here
8/4/2018 2:46 PM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaan ugu baaqay in shacab-ku is dajiyaan.

8/4/2018 2:14 PM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL) -Dabley Hubaysan ayaa dhaawac u geystey Madaxa Hay'adda WHO ee gobolka Sool Xaliimo Xassan Bisaas oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Fayo ee magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

8/4/2018 11:19 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo uu dhinac taagnaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 8:55 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Ciidamadii fadaraalka ee saakay soo galay magaaladda Jig-jiga ayaa wararku sheegayaan inay magaaladda ka baxeen ka dib markii shacabkii iyo ciidanka liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen, kuwaas oo xoog kaga saaray ciidankaasi.

8/4/2018 7:19 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay isku-day ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 7:04 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ka danbeysa tallaabada ay qaadeen ciidamada federaalka Itoobiya oo subaxnimadii hore ee saakay si buuxda ula wareegay guud ahaanba xarumihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

8/4/2018 5:57 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii ay saacadihii hore ee maanta halkaa la wareegeen ciidamo ka tirsan federalka Itoobiya.

8/4/2018 5:33 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraaya magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan federaalka Itoobiya oo inta badan la wareegay xarumihii ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

8/4/2018 5:24 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka ay goor dhaw heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka jirto wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaaliya kaddib markii ay halkaa tageen ciidamo doonayay in aysoo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 3:06 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaaraya degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen agagaarka Hotelka Laf-weyn Nin oday ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

8/4/2018 1:35 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka war helleen tiro dhalinyaro Kenyaan ah oo u tallaabay xadka dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka hubeysan ee Al-shabaab.

8/4/2018 1:15 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa wafdiggii madaxweynaha ee tagan magaalada Asmara ayaa ka jawaabay buuqa iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

8/4/2018 12:57 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa soo hadal qaday xurgufta diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay dowladdaha Jabuuti iyo Soomaaliya.