Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka war helleen tiro dhalinyaro Kenyaan ah oo u tallaabay xadka dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka hubeysan ee Al-shabaab.
Afhayeen ku hadlay ciidamada militariga Kenya ayaa sheegay in dhalinyarada ka mid ahaayeen dadka ku dhaqan deegaannada dhaca dhinaca xadka ay wadaagaan labada dowladdood, kuwaa oo hadda u talaabay sida uu hadalka u dhigay dhinaca Soomaaliya.
Kenya ayaa muddo dheer-ba ku howlan sidii ay dalkeeda uga difaaci laheyd weerarrada uga imanaya dhinaca Al-shabaab ee laga fuliyo gudaha dalkeeda, waxaana weeraradan inta badan loo adeegsadaan dhalinyaro Kenyaan ah oo laakiin ka tirsan Al-shabaab.
Dowladda Kenya ayaa marar badan oo hore ugu baaqday dhalinyarada Kenyaanka ah ee ka tirsan Al-shabaab in ay isaga soo baxaan oo haddii ay isku soo dhiibaan aan la dhibaateyn doonin, laakiin ma badna tirada Kenyaanka ah isaga baxay Al-shabaab marka la barbar dhigo kuwo ku biiraya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]