9/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2018
Waare : Waa in si walaal-nimo ah lagu dhameeyaa khilaafka soo kala dhax-galay Soomaaliya iyo Jabuuti


 

Sabti, August, 04, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalintii shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa soo hadal qaday xurgufta diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay dowladdaha Jabuuti iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in isaga iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo u tageen magaalada Beledweyne ka qeybgalka kala wareejinta cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo abaal-marinta ciidamo geesinimo muujiyay mudaddii uu howlgalkan AMISOM uu socday.

Mar wax laga weydiiyay wal wal laga qabo karo in ciidamada Jabuuti ka baxaan deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan kaddib khilaafka ka dhashay kudbadii madaxweyne Farmaajo ee Asmara waxaa uu yiri ‘’ Runtii xiisadan ka dhalatay is badalka ka socda Geeska Africa aad ayeey annaga noo taabatay, taariikhda Jabuuti ay leedahay Soomaali oo dhan waa ogtahay, waxaana wanaagsan in mar walba abaalka ay noogaleen la gudo sida ay hadda iyaga-ba u gudayaan abaalkii xornimo-doonka ee Soomaali u gashay, tirada ciidamada qalabka sida ee Jabuuti waa la garanayaa tirada ay nooga soo gooyeen-na waa la garanayaa si ay uga qeyb-qaataan nabada Soomaaliya, sidaa daraadeed waxaan qabaa in wixii xurguf ah ee jirta lagu dhameeyo hab walaalnimo’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa ka howlgala gobolka Hiiraan iyaga oo xarumo waaweyn oo militari ku leh degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi, sidaa daraadeed madaxweynaha Waare ayaa sheegay in dhinacooda marnaba aqbali doonin wax kasta oo damqinaya sida uu hadalka u dhigay niyada reer Jabuuti.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya u dulqaadan karin taageerada siyaasadeed ee Soomaaliya u muuijneyso Eritrea.

Hadalka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa imanaya xili dhawaan uu soo ifbaxay khilaaf diblomasiyadeed oo soo kala dhax-galay dowladdaha Jabuuti iyo Soomaaliya, kaddib markii Jabuuti ay siweyn uga xumaatay hadal uu jeediyay madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in cunaqabateynta laga qaado dowladda Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/4/2018 2:46 PM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaan ugu baaqay in shacab-ku is dajiyaan.

8/4/2018 2:14 PM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL) -Dabley Hubaysan ayaa dhaawac u geystey Madaxa Hay'adda WHO ee gobolka Sool Xaliimo Xassan Bisaas oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Fayo ee magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

8/4/2018 11:19 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo uu dhinac taagnaa Hanti-dhowrka guud ee Qaranka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn culus dusha uga tuuray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 8:55 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Ciidamadii fadaraalka ee saakay soo galay magaaladda Jig-jiga ayaa wararku sheegayaan inay magaaladda ka baxeen ka dib markii shacabkii iyo ciidanka liyuu booliska ee deegaanku ka hor yimaadeen, kuwaas oo xoog kaga saaray ciidankaasi.

8/4/2018 7:19 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay isku-day ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 7:04 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ka danbeysa tallaabada ay qaadeen ciidamada federaalka Itoobiya oo subaxnimadii hore ee saakay si buuxda ula wareegay guud ahaanba xarumihii Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

8/4/2018 5:57 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay magaalada Jigjiga ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaddib markii ay saacadihii hore ee maanta halkaa la wareegeen ciidamo ka tirsan federalka Itoobiya.

8/4/2018 5:33 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)- Wararka naga soo gaaraaya magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in saakay ku waabariisatay ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan federaalka Itoobiya oo inta badan la wareegay xarumihii ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

8/4/2018 5:24 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka ay goor dhaw heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka jirto wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaaliya kaddib markii ay halkaa tageen ciidamo doonayay in aysoo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibeda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

8/4/2018 3:06 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaaraya degmada Yaashiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag hubeysan goor dhaw ku dileen agagaarka Hotelka Laf-weyn Nin oday ah oo ka tirsanaa dadka deegaanka.

8/4/2018 2:16 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 20-sano guurrada dowlad-gobolleedka Puntland oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa Shacabka iyo madaxda Puntland ku ammaanay dawlad jacayl, midnimo, horumar dhaqaale, ilbaxnimo, cirib tirka burcad badeedda iyo la dagaalanka Daacish iyo Shabaab.

8/4/2018 1:35 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka war helleen tiro dhalinyaro Kenyaan ah oo u tallaabay xadka dhinaca Soomaaliya kuwaa oo ku biiray Ururka hubeysan ee Al-shabaab.

8/4/2018 1:15 AM EST
Sabti, August, 04, 2018 (HOL)–Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka mid ahaa wafdiggii madaxweynaha ee tagan magaalada Asmara ayaa ka jawaabay buuqa iyo khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.