Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya
in maanta oo kaliya lagu boobay deegaan 120km u jira magaalada Cape Town lagu boobay
dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed.
Arrintan ayaa ka danbeysay kaddib rabshado xoogan
oo labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacayay xaafadda Soweto ee magaalad Johannesburg
oo sida la sheegay dad u badnaa burcad cagta mariyeen dukaamo ay lahaayeen dad
ajaanbi ah.
Dhacan ugu danbeeyay ee laga soo sheegayo Koonfur
Africa ayaa lagu boobay ilaa saddeed dukaan oo ay lahaayeen ganacsato isugu
jirta Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dalbadanaya in si
deg deg ah arintan u soo faragaliso dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Booliiska Koonfur Africa ayaa iyagu u muuqda kuwo aan danba ka laheyn waxa dhacaya, waxey-na ganacsatadu sheegeen in meelaha qaar dukaamada hortooda lagu boobayo ciidamada.
Maxamed Cawil oo ah ganacsade ku sugan Koonfur
Africa oo dhawaan markii ay rabshaduhu bilaawdeen la hadlay Hiiraan Online ayaa
sheegay in sababta kicisay arintan tahay in qaar ka mid ah ganacsatada lagu eedeeyay
in ay iibiyaan alaabo dhacay.
Laakiin marka la eego khasaaraha loo geystay
goobaha ganacsiga waa mid ka baaxad weyn eedeyntaa iyada ah oo waxaad moodaa in
markii hore-ba dadkan ahaayeen kuwo u taagnaa boobka hantida ganacsatada
ajniga ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]