4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Britain oo kordhineysa taageera-deeda howlgalka AMISOM

 

Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Kadib safar Khamiistii shalay ku tagtay dalka Kenya rai’sul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

" UK waxay sii wadi doontaa ka go'naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha reer Kenya ee Soomaaliya kula dagaallamaya Al-shabaaab". Ayeey tiri May.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatt ayaa dhinaciisa wuxuu sheegay dhaqaalaha la siinayo ciidanka AMISOM inuu yahay mid wanaagsan, codsigiisana uu ka mid ahaa.

Waxa ay sheegtay May in xukuumadeeda ay si gaar ah maalgelin dheeraad ku sameysan doonto Kenya oo qeyb ka ah wadamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Waa ra’iisal wasaarihii u horeeyay oo muddo 30 sano ah kaddib booqasho ku tagta dalka Kenya marka laga soo tago Margaret Thatcher.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]