4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Ganacsatada Sooomaalida Koonfur Africa oo dalbadey in wax laga qabto dhibaatada lagu hayo

 

Jimco, August. 31, 2018 (HOL) – Labadii cisho ee la soo dhaafay Boob iyo bililiqo baahsan ayaa lagu hayay ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa, waxaana ganacsiga la boobay ku jira dukaamo ay lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Ganacsatada lagu boobay xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay soo fara-galiso dhaca iyo boobk lagu hayo hantidooda.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in  hanti dhan Boqolaal kun oo dollar lagu boobay rabshadiihi dhacay labadii cisho ee la soo dhafay, isaga oo dalbaday in wax laga qabto arrimatan.

Burcad South Africa ah iyo waliba dad u badan danyar ayaa la sheegay in ay ku qamaameen ganacsiga dadka ajnabig ah ee ku dhaqan xaafadda Soweto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ganacsatada qaarkood dadka ka iibiyaan alaabo dhacay.

Xaafaddan Soweto ayaa ah xarun ganacsi oo aad u weyn, waxaana ku xoogan oo ganacsi ballaaran ku leh dadka aan u dhalan dalkaasi Koonfur Africa ee ajnabiga.

Waa boobkii ugu xooganaa oo waayadan dalkaasi Koonfur Africa loo geysto goobo ganacsi, hanti badanna waxaa la sheegay in la bur buriyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]