4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Tartanka cayaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo meel wanaagsan maraya

 

Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in qabsoomidda cayaaraha tartanka degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Stadium Koonis ay muujinayaan horumarka laga gaarey nabadda iyo is-dhexgalka bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay cayaar xiiso badan oo u dhaxeysay degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ayaa boggaadiyey sida habsamida leh ee ku socdo tartanku.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee Degmooyinka Gobolka Banaadir wuxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana astaan nabadeed oo bulshadu isku arkayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay howshan quruxda badan ee farxadda gelinaysa shacabkeenna qiimaha badan”.

 

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa kula dardaarmey cayaartoyda ka kala yimid degmooyinka kala duwan ee ka qeybgaleya tartanka inay dadaalkooda sii wadaan, islamarkaana ay iyaguna ku howllan yihiin sidii dib loogu howlgelin lahaa Stadium Muqdisho oo dhowaan ay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee (AMISOM) dib ugu soo celiyeen gacanta Dawladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]