4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 31, 2018
Mareykanka oo ku hanjabay in uu isaga baxayo ururka ganacsiga adduunka

 

Jimco, August, 31, 2018 (HOL)- Madaxweyne Trump ayaa heshiiskii sanadkii 1994 lagu aasaasay ururka ganacsiga adduunka ee WTO ku tilmaamay heshiis ganacsi kii ugu xumaa taariikhda, waxa uuna ku hanjabay in dalkiisa uu isaga bixi doono ururkaasi.

Trump ayaa sheegay in ururuka ganacsiga adduunka ee WTO uu u baahan yahay in isbadal lagu sameeyo.

Waxaase uu qiray in Mareykanka uu sanadkii la soo dhaafay ku guuleystay dacwado la horgeeyay qeybta xallinta khilaafaadka ganacsiga ee ururkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa horey u hakisay doorashada garsoorayaasha qeybta xallinta khilaafaadka ee WTO, arrintaasi oo mustaqbalka waxyeeleyn doonta awoodda garsoor ee ururka ganacsiga adduunka.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in ganacsiga adduunka uu cawaaqib xukumo la kulmi doono haddii Mareykanka uu isaga baxa WTO.

Trump ayaa tan iyo markii uu qabtay xilka madaxweynenimada ee dalkaasi Mareykanka ka baxay heshiisyo dhawr ah oo caalami ah, isaga oo ku eedeeyay in dhammaantood ay lid ku yihiin danaha Mareykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]