Jimco, August, 31, 2018 (HOL)– Wararka
naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in
saqdii dhexe ee xalay degmada culus uu ka dhacay dagaal oo dhaxmaray ciidamada
dowladda iyo xoogagga Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday markii xoogag ka tirsan Al shabab ay saddex jiho ka
soo weerareen degmada waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar-qura ay ku soo
kaceen dhawaaqa rasaasta maleeshiyada kooxda shabab iyo ciidamada dowlada
Somaaliya ay iswaydaarsanayeen
Al-shabaab ayaa ka so galay degmada aagagga kala ah Mukayga, Buuno Yarey iyo
Jidka Mareerey. Waxaa laxaqiijiyay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo
ka dhashay dagaalka
Saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Idaacada VOA u sheegay
dagaal ay uga geeriyoodeen saddex askari lix kalena kalena ay dhaawacmeen, iyadoo
dhanka kooxda Al shabab aan la ogayn khasaaraha soo gaaray
Goobjoogayaal deegaanka ku sugan ayaa sidoo kale xaqiijiyay gaadiid in lagu
gubay dagaalka saqdii dhexe ee xalay dhacay
Kooxda Al shabab ayaa muddo kooban waxaa ay la wareegeen gacan ku heynta xafado
ka mid ah degmada Afgooye oo ay ku jirto Buundada Afgooye iyo Bar koontarool oo ciidamada dowladda maamulaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]