10/19/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Abye Ahmed : Shidaalka laga helo Itoobya 5% ayeey Soomaalida ku yeelanayaan


 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka jawaabay su’aal in muddo ahba taagneyd oo la xiriirta qoondada Soomaalida ee shidaalka lagu wado in laga soo saaro dhulka Soomaalida Itoobiya, isaga oo sheegay in 5% -kiiba ku yeelanayaan.

Arrintan oo dood weyn abuurtay ayaa waxaa markiiba ku gacan-seyray madaxda Ururka mucaaradka ah ee ONLF oo ku dooday in Soomaalidu xaq u leedahay in looga danbeeyo kheyraadka laga helo dhulkeeda.

‘’Hadalka ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha Itoobiya hadal yaab leh weeye, dowladda Itoobiya waxaan ka sugeynay wada hadal daacadnimo ku dhisan, sidaa daraadeed waxaan leenahay waa in aan Annagu hantidee-na Siyad ka noqonaa’’ ayuu yiri afhayeenka Ururka ONLF Cadaani Hirmooge.

Laakiin Abiy Ahmed ayaa sheegay in muhiimadu aysan aheyn in shidaal oo kaliya laga fikiro, laakiin ay tahay in la wada wadaago kheyraadka dalka oo dhan isaga oo yiri’’ Walaalaheen deegaanka soomaalida waxaan u sheegay in ka badan 5 goobood ayaa Itoobiya shidaal laga helay, arrintu meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

Ra'iisal wasaraha ayaa qoondadan uu sameeyay ku sheegay in ay tahay mid sharciyan xitaa looga dhaqmo dalalka kale ee qaarada isaga oo yiri'' Iyada oo Soomaalida oo keli ah loo eegeyn kheyraad kasta oo dabiici ah oo laga helo deegaan 5-10% waxa lagu hormarinayaa deeganka kheyraadka laga helay, arrintaasina waa mid caada u ah oo ay ku dhaqmaan waddama badan oo ka tirsan qaaraddan Afrika”.

Laakiin dhinaca kale madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo arintan horey uga hadlay ayaa sheegay aragti ka duwan tan ra’iisal wasaaraha isaga oo yiri’’ “Su’aasha ay ka hadlayaan ee ay aad noo weeydiinayaan, waa imisa ayaan leenaya, wixiiba inaga ayaa lehe, imisa aan leenahay waa maxay?” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray “Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

ONLF ayaa dhinaceeda ku doodeysa in arintan tahay mid ay muddo dheerba ka dagaalamayeen, iyaga oo xitaa gaashaanka u daruuray qoondada uu sheegay madaxweynaha dowlad deegaanka Itoobiya.

Sikastaba. Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo lagu amaanayo isbadallada waaweyn ee uu durbaba ka sameeyay dalka Itoobiya markii uu tallada la wareegay, ayaa dhinaca kale la eegayaa sida uu wajahi doono khilaafka laga yaabo in uu ka abuuro arinkan ku saabsan wadaaga kheyraadka ee dhinaca Qowmiyadaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
8/3/2018 3:23 PM EST
Jimco, August, 03, 2018 (HOL)–Taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa qoraal kooban oo ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen duqeyn ka dhacday deegaan 74 km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

8/3/2018 9:16 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa iska diiday islamarkaana waxba kama jiraan ka soo qaaday go'aan ay shalay soo saartay maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London, kaa oo ku saleysnaa murankii dhinaca sharciga ee u dhaxeeyay Jabuuti iyo shirkadda DP World

8/3/2018 9:01 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.

8/3/2018 6:57 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalad Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

8/3/2018 5:39 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Booliiska Sweden ayaa toogasho ku dilay wiil qori macmal ah ku dhex watay magaalada Stockholm, wiilkaas ayaa ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana hayay nooc ka mid ah xannuunka Autism, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

8/3/2018 4:23 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka.

8/3/2018 1:40 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Madaxa guddiga doorashada ee Zimbabwe, Priscilla Chigumba, ayaa ku dhawaaqday in madaxweynaha iminka talada haya, Emerson Mnangagwa, uu yahay qofka ku guulaystay doorashadii madaxweynenimada ee Isniintii dhacday.

8/3/2018 1:32 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiiradda ee maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland, kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.

8/3/2018 12:49 AM EST
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo Labo ruux oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaray tiro madaafiic ah xalay lagu tuuray qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada oo warbaahinta la hadlay.