4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Jabuuti ka hor timid go’aan maxkamadeed oo laga gaaray murankii DP World

 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa iska diiday islamarkaana waxba kama jiraan ka soo qaaday go'aan ay shalay soo saartay maxkamadda Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta ee fadhigeedu yahay magaalada London, kaa oo ku saleysnaa murankii dhinaca sharciga ee u dhaxeeyay Jabuuti iyo shirkadda DP World

Go'aankaas oo ay maxkamaddu ku sheegtay in ay khalad aheyd in dowladda Jabuuti ay maamulka iyo gacan ku haynta dekadda Dooraleh ay kala wareegto Shirkadda Dekadaha ee DP World.

Jabuuti ayaa ku tilmaamtay in go’aanka maxkamada uu ahaa mid hal dhinac oo kaliya oo aan iyaga laga qeyb-galin lana dhageysan doodooda, sidaa daraadeed go’aanka noocaasi ah yahay mid aan iyaga quseyn.

Gudoomiyaha maamulka dekadaha iyo goobaha ka caaggan canshuuraha Abuu Bakar Haadi ayaa sheegay in horey ay shirkadda ugu heshiiyeen in heshiiska ay ka baxaan islamarkana qarashaadkii ka galay loo celiyo.

Gudoomiyaha aya intaa ku daray in shirkadda DP World aysan xoog ku haysan karin dekadaha dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa 22 bishan waxay meesha ka saartay heshiiskii ay la gashay shirkadda DP World.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]