4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray magaalada Beledweyne

 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL)– Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw gaaray magaalad Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ee xaruntiisu tahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Lama oga ujeedada safarka madaxweynaha oo aan horay loo sii shaacin, hasse ahaatee wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in uu halkaa kulamo kula leeyahay saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey.

Magaalada Beledweyne waxaa xarunta ugu weyn ku leh hay’addaha UNka ee ka howlgala bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada uu ka arimiyo maamulka Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]