Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Booliiska Sweden ayaa
toogasho ku dilay wiil qori macmal ah ku dhex watay magaalada Stockholm,
wiilkaas ayaa ahaa dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana hayay nooc ka mid ah
xannuunka Autism, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.
Booliiska ayaa rasaas ku furay Eric Torell oo 20
jir ah, iyaga oo ka jawaabaya wax ay ku tilmaameen "xaalad halis ah"
arrintaas ayaana dhacday saacadihii hore ee subaxnimadii Khamiista.
Dawladda ayaa lagu wargaliyay in la la'yahay
ninkaas ka dib markii uu xaafadda ka baxay saacado ka hor marka la dilay, sida
ay qoyskiisu sheegeen.
Katarina Söderberg oo ah Eric hooyadii ayaa
sheegtay in qorigu uu ahaa hadiyad, wiilkeedana waxay ku tilmaantay qofkii ugu
naxariis badnaa Adduunka.
Katarina ayaa warbaahinta Expressen ee dalka
Sweden u sheegtay in Eric uu naafo ahaa isla markaasna uu hadalku aad ugu
adkaa. Hooyo oo kali ahna uu dhihi jiray.
Qoriga caaga ah ee uu watay marka la tooganayay ayay ku tilmaantay mid u
ekaa qoryaha yaryar ee darandooriga u dhaca.
Katarina waxay sheegtay in uusan daqsi xataa dhibaato u gaysteeen.
Arrintan ayaa ka dhacday deegaanka Vasastan ee casimadda dalka Sweden ka dib
markii booliiska lagu wargaliyay nin qori wata.
Saddex askari ayaa la sheegay in ay goobtii yimaadeen ayna qaabileen dhanka
Eric, waxay ku amreen in uu qoriga dhigo, markii uu amarka qaadan waayay ee uu
u muuqday in uu ficil halis ah gaysan rabo ayayna toogteen, sida uu booliisku
sheegay.
Eric ayaa isbitaal la geeyay balse xoogaa ka dib ayaa la xaqiijiyay in uu
dhaawicii u geeriyooday.
Katarina waxay sheegtay in wiilkeedu uu hadda ka hor iska bixi jiray loona
soo celin jiray ama isaguba iska soo laaban jiray.
Waxaa hadda socda baaritaan ku saabsan in booliisku ay sixin u maareeyeen
xaaladda, sida ay ku warramayso warbaahinta Expressen.
BBC