4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Wasiirrada arrimaha dibedda ee Turkiga iyo Maraykanka oo kulmay

 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL)–Wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga, Mevlut Cavusoglu ayaa dhiggiisa Maraykanka , Mike Pompeo kula kulmay Maanta oo Jimca ah Dalka Singapore , sida laga soo xigtay Ilo wareedka ku dhow kulanka.

Kulanka Labada masuul ayaa dhacay markii ay isku arkeen shirka Ururka iskaashiga waddamada Koofur Bari Eeshiya oo halkaasi ka dhacaya, waxaanay labada dhinac isku Af-garteen in Mareykanka iyo Turkiga si dhow ugu shaqeeyaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya.

Labadan Wasiir, ayaa Maalmihii iyo Saacadihii ugu dambeeya ku wada hadlayay Khadka Taleefoonka, iyagoo daneynaya inay ka wada xaajoodaan xurgufta siyaasadeed ee soo kala dhex gashay labada Dowladood ee Turkiga iyo Maraykanka.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in isaga iyo Pompeo, ay ka wada haldeen in ay si hoose u dhammaystaan xurgufta iyo inay isla meel dhigaan tallaabooyinka wada jirka ah ee Labada Dal kaga aaddan xaaladda Suuriya.

Xiisadda Labada Dal ayaa timid markii ay Dowladda Maraykanka cuna qabatayn kusoo rogtay Wasiirka Caddaaladda Dalka Turkiga C/xamiid Guul iyo Wasiirka arrimaha gudaha Suleymaan soylu, kuwaas oo la sheegay in ay door muhiim ah ku lahaayeen xarigga Andrew Burunson, oo ah baadari u dhashay Dalka Maraykanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]