Dowladda federaalka iyo Puntland oo isku afgartay sii deynta maxaabiis Burcad badeed-nimo u xiran
Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Shirkii Golaha Wasiiradda ee
maalintii shalay ka dhacay magaalada Garoowe ayaa qodobadii leysku afgartay
waxaa ka mid ahaa sii deynta Boqolaal Maxaabiis ah ku xir xiran deegaannada Puntland,
kuwaa oo loo heysto arrimo burcad badeednimo ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in madaxda dowladda
Soomaaliya iyo Puntland isku afgarteen sii deynta maxaabiista ku jirta
xabsiyada Puntland ee loo heysto arrimaha burcad badeednimada.
‘’Maxaabiista ku xiran Puntland
ee loo heysto kiisaska Burcad badeednimada ee u xiran xukunnada looga soo riday
dalka dibeddiisa, ayaa leysku afgartay in la sii daayo, iyada oo loo marayo sii
deyn-tooda waddadii maxaabiistii iyaga la midka ahaa laga soo daayay dalalka
dibeda’’ ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.
Shirka ayaa sidoo kale arrimaha
looga hadlay waxaa ka mid ahaa, Amniga, Qaraxii Buuhoodle, Maxaabiista u xir
xiran burcad badeednimada, xaalada ka taagan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar
ahaan weerarrada lagu hayo xarumaha Isgaarsiinta iyo qodobo kale.
Shirka Golaha Wasiirrada ee
shalay ka dhacay ayaa yimid kaddib markii xal hoose laga gaaray wax xooggaa
khilaaf ah oo ka dhashay go’aankii uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali
Kheyre uga baaqday dhaggax-dhigga dekedda Garacad oo ay siweyn uga xumaadeen
siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]