4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2018
Madaafiic xalay lagu weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe

 

Jimco, August. 03, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo Labo ruux oo rayid ah ayuu dhaawac ka soo gaaray tiro madaafiic ah xalay lagu tuuray qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degmada oo warbaahinta la hadlay.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ahaa Oday da’ah iyo wiil sida la sheegay 7 sano jir ah kuwaa oo ay madaafiicdu ugu tagtay guryahooda, waxaana sidoo kale ay madaafiic ku dhaceen qeybo kale oo isla degmada ka mid ah.

Gaar ahaa bartilmaameedka madaafiicdan ayaa lagu sheegay in uu ahaa fariisimaha ciidamada AMISOM ee degmada Balcad, laakiin lama sheegin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray hoobiyayaashan lagu weeraray.

Balcad marar badan oo hore waxaa ka dhacay iska horimaadyo dhaxmaray Al-shabaab iyo AMSOM . waana marin muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]