4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Boob xoog leh oo ka socda goobaha ganacsiga dadka ajaanibta ah Xaafadda Soweto ee dalka Koonfur Africa


Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Wararkii ugu danbeeyay ee Hiiraan Online ka soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dad u muuqda burcad abaabulan weerar ku qaadeen ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg .

Maxamed Cawil oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Africa, islamarkaana ku sugan xaafadda ay bililiqadani ka socto ayaa Hiiraan Online u sheegay in ilaa waqtigan uu soconayo weerarka kooxaha burcad ah ay ku hayaan goobaha ganacsiga dadka ajnabiga ah ee xaafadda Soweto.

Arrintan ayaa ka danbeeysay eedeymo loo jeediyay qaar ka mid ah ganacsatada u dhalatay Pakistan oo la sheegay in ay dadka ka iibin jireen wax-yaabo dhacay, taasoo keentay in dad careysan oo markoodii hore-ba u badnaa burcad ku qamaamaan ganacsiga guud ahaanba dadka ajnabiga ah iyada oo aan kala sooc laheyn.

Maxamed Cawil ayaa intaa ku daray in rabshadahu ka sii dareen kaddib markii ganacsade Soomaaliyeed uu toogasho ku dilay qof South Afrcan ah oo isku dayay in uu dhac u geysto goobtiisa ganacsi.

Dadka bililiqadan ay sida weyn u saameysay ayaa ah ganacsatada u dhalatay dalalka Itoobiya, Pakistan iyo Bangladesh, halka ganacsatada Soomaaliyeed bilaabeen in ay is difaacaan iyaga oo la soo baxay hub.

Ilaa 20 dukaan ayuu sheegay Maxamed Cawil in bililiqadani saameysay, waxaana dukaamada la boobay ku jira kuwo ay Soomaali leeyihiin.

Sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday xaafadda Soweto ayaa lagu arkayay dad madow ah oo sita alaabo kala duwan oo ay ka qaateen goobaha ganacsiga la weeraray.

Dhinaca kale Booliiska Koonfur Afirica ayaa xabsiga dhigay 5 dhalinayaro Soomaaliyeed ah oo  loo heysto eedeymo kala duwan, waxaana dhalinyaradan xiran ka mid ah Xusseen Ilkacase iyo qof magaciisa lagu soo gaabiyay Duraan.

South Africa muddo dheer-ba waa ay jirtay arintan la xiriirta naceybka dadka ajnabiga ah ee halkaa ku heysta ganacsiga, haba ugu badnaadeen Soomaalida oo dilalka ugu badan wajaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]