4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Dagaal caawa ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen.

Dagaalkan oo dhacay maqribnimadii caawa ayeey Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen saldhig-yada ciidamada ee bartamaha magaalada, waxaa intaa kaddib magaalada oo dhan laga maqlay hugunka rasaasta ay weydaarsanayeen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Macalin Cumar oo hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarkan laga war-hayay sida daraadeed ciidamada dib isaga caabiyeen xoogagga weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka, hasse ahaatee guddoomiyaha ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Marka oo ah magaalo istiraaji ah ayaa sanadihii ugu danbeeyay-ba magan u noqontay dagaalo waji badan oo isugu jira kuwo Qabiil iyo dirirta u dhaxeysa Al-shabaab iyo ciidamada dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]