4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Gollaha deegaanka Garoowe oo doortay guddoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) -Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay, Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.

Doorashadan oo billaabatay saacadihii hore ee maanta ayaa waxaa ku tartamayay labo musharrax oo qura, iyadoona ay goob-joog ka ahaayeen mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

Musharraxa guuleystay ee Axmed Barre wuxuu helay 18-cod halka musharaxii la tartamayay ee Axmed Abshir Jaamac uu isna helay 9-cod, guddiga doorashada ayaa natiijada ku dhawaaqay.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa sidoo kale isla maanta doortay ku-xigeenka duqa degmada, Maxamed Cali Xamari oo kamid ahaa musharixiinta u tartamayay xilka ayaa loo doortay guddoomiye ku-xigeenka degmada Garoowe, markii uu helay 17-cod -halka musharrixii la tartamayay ee Cismaan Maxamuud Siciid uu isna helay 10-cod.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland,Cabdullaahi Cali Xirsi ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada iyo ku-xigeenkiisa kula dardaarmay inay isbadal soo bandhigan, wuxuu si gaar ah u faray amniga, horumarka iyo canshuuraha in xoogga la saaro si loo gaaro 'isbadal' ayuu yiri.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online