Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Xaalada magaalada Beledweyne
ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka
dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo
ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wada hadalo xiisada lagu
qaboojinayo ayaa ilaa iyo xalay lagu waramayaa in magaalada ay ku lahaayeen mas’uuliyiinta
maamulka iyo qaar ka mid ah waxgaradka magaalada, waxaana uu qof goobjooge ku sugan magaalada ayaa Hiiraan Online u sheegay
in saakay dib loo furay dariiq-yadii xirnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay.
Xiisadan ayaa ka dhalatay dil
maalin ka hor bartamaha magaalada loogu geystay nin dhalinyaro ah oo ka mid
ahaa dadka ku shaqeysta gaadiidka Mooto Bajaajka, kaddib markii uu toogasho ku
dilay askari ka tirsan cidamada Booliiska.
Ehelada marxuum-ka aya ku doodday
in loo soo gacan galiyo askariga dilka geystay oo ku xiran saldhigga magaalada
Beledweyne, taasoo keentay in iska hormimaad uu dhaxmaro maleeshiyaad hubeysan
oo ku heyb ah marxuumka la dilay iyo ilaalada saldhigga Booliiska Beledweyne oo
uu ku xiran yahay askariga dilka geystay.
Rabshadihii shalay magaalada ka
dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay saddex ruux , sidoo kale isbitaalka ayaa la dhigay dad
dhaawacyo qabo.
Saakay ayaa lagu aasay magaalada alle ha u naxariisteen Yaasiin Cali Saney iyo, dadkii kale ee shalay ku dhintay rabshadaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]