3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 29, 2018
Wasaaradda Maaliyada Somaliland oo soo bandhigtay qalab lagala soconayo cashuurta badeecadaha

 

Arbaco, August, 29, 2018 (HOL) – Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa soo bandhigtay Qalab ay ganacsatada u qaybin doonto oo ay kala socon doonto adeega ay bixiyaan iyo cashuurta ku waajibtay.

Mashiinadan waxa loo qaybin doona in ka badan boqol hoteel, kuwas oo lagala socon doono cashuurta ku waajibtay adeegyadda ay hoteeladdu bixiyaan sida uu sheegay wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Aadan.

“Cashuurtan waxa loo yaqaan GST Goods and service tax  oo ah badeecada iyo adeega, Waxaanu isla garanay ganacsatada waaweyn ee dalku leeyahay oo ilaa boqol iyo konton ah kuwo wax soo dajiya iyo kuwo dhoofiya, waxaana ku sii bilaabayna hoteelada iyo xafiisyada tikidhada diyaaradaha laga goosto, iyo shirkadaha laydhka iibiya inaanu ku sii tijaabino, cashuurtan xadigeedu waa 5% oo lagu dhufanayo qiimihii alaabta waana cashuuraha isticmaalka looyaqan, Hargeysa ayaanu marka hore ku bilaabana oo boqol iyo afartan hoteel ayaanu u qaybinaynaa qalabkan.”ayuu yidhi wasiir Yuusuf.

 

Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed ayaa sheegay inay horumar balaadhan ku wadaan qaabka cashuurta loo bixinayo iyo qaabka lagu ogaanayo dakhliga, waxaanu xusay in marka ay si fiican uga hirgalaan xaflad loo qaban doono hirgalinta qalabkan casriga ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
8/29/2018 5:04 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wararkii ugu danbeeyay ee Hiiraan Online ka soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in dad u muuqda burcad abaabulan weerar ku qaadeen ganacsiga dadka ajaanibta ah xaafadda Soweto ee magaalada Johannesburg .

8/29/2018 4:08 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta u ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab weerar culus ku qaadeen.

8/29/2018 12:23 PM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya iyo dad kale oo ay ka mid qof dumar ah ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamada sare ee dalka Itoobiya.

8/29/2018 10:44 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Shiinaha oo ay kaga qayb galayaan Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC).

8/29/2018 10:32 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)-Shan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen 10 kalana ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay la socdeen qarax miino lagula eegtay meel aan ka fogeyn magaalada Lamu.

8/29/2018 9:19 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Golaha deegaanka degmada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa duqa degmada iyo guddoomiyaha golaha u doortay,Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre) oo ah ganacsade iyo xildhibaan hore.

8/29/2018 7:22 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Saraakiisha Mareykanka sheegtay inay duqeyn ku dileen saddex ka mid dagaalyahanada ururka Alshabaab.

8/29/2018 3:45 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay ka dhacay, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray maleeshiyaad hubeysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

8/29/2018 1:14 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa lagu soo oogay eedo musuqmaasuq. Philomena Mwilu waa sarkaalkii ugu sarreeyey ee dawladda ka tirsan ee ololaha musuqmaasuq la dagaalanka ah ee uu wado dacwad oogaha guud ee cusubi uu gaadhay.

8/29/2018 12:52 AM EST
Arbaco, August, 29, 2018 (HOL)–Tan iyo markii ay dhaceen rabshadihii siyaasadeed ee keenay in ay dhacdo xukuumadii hore ee dowlad deegaan-ka, waxaa si is daba joog ah u soo baxayay warar sheegayay in dowladda dhexe ee federaalka Itoobiya dabacsan tahay in la kala diro gabi ahaan-ba ciidamada Liyuu Booliiska ee ka howlgala dowlad deegaanka Soomaalida.