4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Waddooyinka magaalada Laascaanood oo la banneeyay

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Wado ku dhow Kilomitir ayaa dawlada hoose ka bilawday hawlgal ay ku bamaynayso, iyadoo baabiyey dhismayaal ku-meel-gaadh ah iyo seesas la sheegay in ay si qaldan u dhismeen.

Ololahan oo ay dawlada hoose ka bilaabmay xaafada Seyidka oo ku taala koonfurta magaalada.

Madaxa waaxda dhulka oo u waramay HOL ayaa sheegay in talaabadan ay ahaan doonto mid sii soconaysa laguna banaynayo wadooyin badan oo haatan in ay xidhmaan ku socda.

"Waxaa wadooyinkan xidhay musqulo banaanka laga qoday, berkedo biyood iyo dhagxaan hadhaadi dhismayaal ka hadhay u badan" sidaa waxaa tidhi C/shiid Askar Jaamac Agaasimaha Waaxda dhulka oo intaa ku daray in ay in ay jiraan dad si sharci dark ah ugu durka kuwaana in laga duminayo ayuu sheegay.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay jiraan olole bilicda magaalada Laascaanood lagu hagaajinayo oo ay ka mid tahay dhirayn iyo wadooyin laami laga dhigayo.

C/rashiid waxa uu aad u amaanay dadweynaha xaafada Seyidka oo uu sheegay in ay si aad ah ula sheqeeyeen taana talaabo horumara oo in ay dadku fahmeen faaiidada waddada ay tahay, waxaana uu xaafadaha kale ka codsaday inay sidaa ula sheqeeyaan.

Dawlada Hoose ayaa horey u sheegay inay wadooyin celcelis ahaan 16Km. gaadhaya ay sanadkan u qorshaysan tahay inay sameeyaan, taas oo wax weyn ka bedelaysa bilicda magaalada iyadoo horeyna sanadihii 2014-2015kii wadooyin badan laga fuliyey

Seynab Cabdi Warsame

 [email protected].   

laascaanood G. Sool