4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Madaxweyne Biixi oo isbarbar dhig ku sameeyey Muqdisho iyo Addis siday u waajaheen Hargeysa iyo Asmara

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– In ka badan sagaal boqol oo arday ayaa maanta ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ka soo baxay kuuliyaddo kala duwan.

Munaasibad loogu qabtay xarunta jaamacada Hargeysa waxa ka soo qaybgallay madaxweyne Muuse Biixi, golihiisa wasiiradda, xisbiyada mucaaradka, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda, waalidiin iyo ardaydii qalinjabinaysay.

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa, Maxamed Yuusuf ayaa sheegay inay ardaydaasi qalinbaisay ka kooban yihiin 937 arday oo 507 wiilal yihiin, halka 430 gabdho yihiin.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, wasiirka waxbarashadda, masuuliyiin ka socda shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood u hambalyey ardaydan ka qalinjabisay jaamacadda oo noqonaysa dufcaddii 15aad ee jaamacada dhamaysata.

Madaxweynuhu inta aanu hoolka soo galin waxa uu dhagax dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory) oo ay yeelan doonto Jaamacadu kaasoo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 22 May, 2018, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray hool weyn oo jaamacadu yeelanayso kana caawin doona shirarka iyo kulamada muhiimka ah.

Madaxweynuhu wuxuu hambalyo u diray ardayda qalinjabinaysa waxaanu ugu bushaareeyey inuu sameeyey sanduuqa horumarinta oo uu ku shubay hal milyan oo doolar, taas oo dhalinyaradaha jaamacaha ka soo baxay shaqo qaran oo lagu tobabaro doono lagu bixin doonno.

Waxa kale oo uu sheegay in sanad walba kun wiil iyo shan boqol oo hablood shaqo qaran loo qaadan doonno, taas oo la barayo habka loo shaqeeyo, ka dibna xafiisyada dawlada laga hawlgalin doono. madaxweynuhu waxa uu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay dufcadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa iyo xubin sharaf ay Jaamacada Hargeysa ku qiimaysay dedaal waddannimo oo uu muujiyey askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa, ka dibna madaxweynuhu dadka hortooda ka shaaciyey inuu isna dalacsiiyey hal derejo askarigaasi oo markii hore ahaa saddex xadhigle.

Dhinaca kale, waxa uu hamablyeeyey madaxweynaha iyo ku xigeenka cusub ee loo doortay deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu sheegay in labadda shacab isku mid yihiin oo ganacsiga iyo is dhexgalka bulshadaba soo dhoweynayo oo nin waliba magaalada uu doonno ka ganacsan karo.

Waxa kale oo uu isbarbar dhig ku sameeyey siyaasadaha Muqdisho iyo Adis-ababa ku wajaheen Eritariya iyo Somaliland, waxaanu yidhi “ Addis-ababa waxay 1993kii ogolaatay Madax banaanida Eritariya oo ay taageertay, Muqdishana waxay ka dagaalantay madax banaanida Somaliland, sanadkan 2018ka addis-ababa waxay qaatay talaabo ah colaadii dhexmartay Eritariya iyo Itoobiya si loo dhameeyo ayuu Ra’isal wasaaraha Itoobiya uu lugihiisa ku tago Asmara, oo uu u ogolaaday wax kasta oo ay rabeen oo uu ka dalbatay uun is kaashanno iyo in walaalo la noqdo, Muqdisho dadka ka taliya 2018 ka waxay qaateen talaabo ah Somaliland cirka ka xidhaynaa oo cidi soo gali kari mayso, Somaliland badda ka xidhayna oo Berbera cidi iman mayso, ka dibna uu yidhaahdo bariga ka soo weerarayaa oo uu ku dhaarto inuu ku soo weerarayo waa laba caqli oo is barbar yaala waa ka Muqdisho iyo Addis kala yaalla.”

Waxa uu sheegay in muqadas tahay in la kala tashado hadii la heshiin waayo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland