4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Faah faahin ku saabsan dagaal iyo dilal ka dhacay magaalada Beledweyne

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen rabshado iyo rasaaseyn galabta ka dhacday magaalada Beledweyne kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay magaalada.

Is rasaaseyntan ayaa bilaabatay kaddib markii maleeshiyaad hubeysan isku dayeen in ay saldhigga kala baxaan askari ka tirsan ciidamada dowladda oo shalay ku dilay bartamaha magaalada Nin dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaaj kaa oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney.

Marxuum-ka ayaa shalay dhintay ayaa lagu waramayaa in uu wali meydkiisa yaalo isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, kaddib markii ay eheladiisa diideen in la aaso, iyaga oo sharuud uga dhigay in dil toogasho lagu fuliyo askariga wax dilay.

Xiisada ayaa sababtay in galabta magaalada lagu dilo saddex kale oo dhalinyaro ah waxaana lagu waramayaa in dilkan ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo dhinaca kale ku heyb ah askariggii shalay dilka geystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]