3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Muxuu salka ku hayaa xariga Cabdi Max’uud Cumar

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL) –Shalay waxaa xabsiga loo taxaabay madax-weynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo maalmihii ugu danbeeyay-ba xabsi ku guri ku ahaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka soo muuqday warbaahinta isaga oo ay dhinac-yada ka socdaan ciidamo ka tirsan kuwa dowladda dhexe ee federaalka lagu-na sii wado xabsi lagu sii heyn doono inta maxkamadeyntiisa laga gaarayo.

Xariga Cabdi Maxamuud Cumar ayaa salka ku haya eedeymo la xiriira gabood falo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa tan iyo markii la qabtay Cabdi Maxamuud Cumar si is daba joog ah u codsanayay in maxkamad lagu soo taago taca-diyo is daba joog ah oo ka dhacay dowlad deegaan-ka Soomaalida.

Lama oga halka ay maxkamadeyntiisu ka dhici doonto iyo dacwadaha xeer ilaalintu hor geyn doonto maxkamada, hasse ahaatee eedeymaha ugu waaweyn ayaa ah dilal qorsheyn , jir dil, xabsi sharci –darro ah iyo ku tumusho dhinaca awood ah, sida ay sheegeen hay'addaha Xuquuqda Aadanaha.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed oo mar arinta Cabdi Maxamuud Cumar wax laga weydiiyay ayaa sheegay in uu cadaallad mari doono isaga oo yiri'' arrintan Cabdi waxey u taallaa hay'addaha garsoorka, cadaallada ayuu-na mari doonaa.

Sida uu soo bandhiggay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TV-ga sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa sheegay in is badal weyn uu ka sameyn doono arrimaha la xiriira Xuquuqul Insaanka deegaanka, dadku-na noqon doonaan kuwo u madax-bannaan arag-tidooda xitaa haddii ay doonayaan in ay wax ka sheegaan maamulkiisa.

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ayaa dowladda dhexe Itoobiya ka codsaday in cadaallada la horkeeno dhamaan dadkii ka danbeeyay gabood falladii ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida, hasse ahaatee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay ee maxkamad loo soo taago gabood falladii bilihii ugu dan-beeyay ka dhacay dalka Itoobiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/28/2018 1:46 PM EST
Talaado, August. 28, 2018 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

8/28/2018 12:08 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Wado ku dhow Kilomitir ayaa dawlada hoose ka bilawday hawlgal ay ku bamaynayso, iyadoo baabiyey dhismayaal kumeel-gaadh ah iyo seesas la sheegay inay si qaldan u dhismeen.

8/28/2018 12:00 PM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– In ka badan sagaal boqol oo arday ayaa maanta ka qalinjabisay jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo ka soo baxay kuuliyaddo kala duwan.

8/28/2018 11:40 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen rabshado iyo rasaaseyn galabta ka dhacday magaalada Beledweyne kaddib iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay magaalada.

8/28/2018 11:01 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airline ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay xujeey Soomaaliyeed oo soo gudatay acmaasha Xajka.

8/28/2018 10:51 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in wax ka badal lagu sameeyay hannaanka amaanka xarunta Xalane iyo habka galintaanka xarunta oo daris la ah garoonka diyaaradaha Muqdisho.

8/28/2018 10:45 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Shacab-ka reer Muqdisho ayaa farxan iyo reereyn-reyn ku soo dhaweeyay in 7 sano kaddib maanta mar kale u suurtgashay in ay gudaha u gali karaan garoonka Stadium Muqdisho oo ka soo wareegay gacanta ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

8/28/2018 10:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhaw rasaas xoog leh laga maqlay agagaarka saldhigga Booliiska, kaddib markii uu iska horimaad dhaxmaray ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad ku heyb ah nin dhalinyaro ah oo shalay lagu dilay Beledweyne.

8/28/2018 6:03 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Kulanka oo ay ka qeybgaleen siyaasiyiinta, wax-garadka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Xawaadle ayaa lagu eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay hareer-martay hannaankii awood –qeysiga 4.5 kuna tumatay sida ay hadalka u dhigeen xuquuqdii ay beeshu ku laheyd dowladda dhexe.

8/28/2018 5:18 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Guddoomiyaha magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada Booliiska Kenya qateen, laakiin waxaa uu sheegay in uu isagu tagay saldhigga si uu uga jawaabo eedeymo loo heysto.

8/28/2018 2:39 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)– Iyadoo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad deegaan-ka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa waxaa arintaa markii-ba si deg deg ah uga jawaabtay hay’adda Xuquqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo soo dhaweysay xariggiisa.

8/28/2018 12:56 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in calanka suran Aqalka Cad hoos loo dhigi doono, ka dib markii dad dhaliishan ay weerareen jawaabtii uu ka bixiyay geerida seneter John McCain oo ay ka wada tirsan yihiin xisbiga Jamhuuriga.

8/28/2018 12:39 AM EST
Talaado, August, 28, 2018 (HOL)–Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallada ka soconaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya iyo saameynta dagaalladaas ay ku yeeshen dhalinyarada Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi.