4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2018
Dowladda ka hadashay maxaabiis Soomaaliyeed oo ka baxsatay xabsiyada Tripoli

 

Talaado, August, 28, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaallada ka soconaya magaalada Tripoli ee dalka Liibiya iyo saameynta dagaalladaas ay ku yeeshen dhalinyarada Soomaaliyeed eek u jira xabsiyada dalkaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Mudane Cali Saciid Faqi ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay Baraha Bulshada wuxuu ku wargaliyay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta caruurtooda ku xiran yihiin Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya in dagaalka ka socdo magalada Tripoli ee caasimadda dalkaasi uu sababay in Albaabada loo furay qaar ka mid ah Xabsiyada ay ku jireen Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradii ku jirtay Xabsiyadda Tariqu Mataar iyo Salahu Diin ay kala carareen iyadoo qaarkood ay soo gaareen Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibiya halka kuwa maqan baadi goob loogu jiro, iyadoo hal goob la iskugu keenayo dhamaan Dhalinyarada si aysan waxyeelo kaga soo gaarin dagaalka ka socda Tripoli sida uu sheegay Cali Saciid Faqi.

Sidoo kale Safiirka ayaa xaqiijiyay in Dhalinyaradii ku jirtay Xabsiga Ain Zara ay wali meeshooda ay ku sugan yihiin oo aysan ka bixin.

Dhinac-yada ku dagaalamaya magaalada Tripoli, ayaa ku tartamaya la wareegida maamulka magaalada, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad shan ruux 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]