Isniin, August, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore ee
dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa warbaahinta
Itoobiya baahisay isagoo lagu sii waddo xabsiga.
Cabdi Maxamed Cumar ayaa mudadii u dambaysay ku jiray
xabsi guri, haseyeeshee waxa maanta loo dhaadhiciyey jeelka, waxaana laga
siidaayey Telefishanka Itooobiya iyagoo ay hareero socdeen ciidanka amniga
oo ku sii waday xabsiga.
Sidoo kale, Warbaahinta Itoobiya ayaa soo bandhigay hub
laga helay gurigiisa oo la sheegay inay ahaayeen hub sharci daro ah oo aan
dawlada u sharciyeysnayn.
Madaxweynaha cusub ee Deegaanka Soomaalidda Mustafe
Muxumed Cumar ayaa bartiisa Facebooga ku sheegay inuu ka xun yahay isagoo
bahdilan in xabsiga loo taxaabay, haseyeeshee waxa uu xusay in dambiiile kasta
sidaas ku dambayn doonno.
“Kuma Faraxsani In Maanta ina iley jeel loo taxaabo
issagoo bahdilan, inkastuu uu ahaa dambiile laakiin dadbadan oo kale ayey
cashir iyo kudayasho u tahey”ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar oo qoraal kooban ku
baahiyey bartiisa baraha bulshadda uu ku leeyahay ee Facebooga.
Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaa
loo haysta dambiyo badan oo uu intii uu xukumayey u gaystay shacabka
Soomaalidda iyo tii u dambaysay ee Jigjiga ka sameeyey ee dhalisay
rabshadihii ka dhacay deegaanka Soomaalidda, taas oo loo haysto inuu isagu
dadka ku kiciyey dawlada dhexe ee Itoobiya.
Barkhad-ladiif M. Cumar,
Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.